QormooyinkaSomali News

Maxay isku hayaan Madaxda Maamul goboleedyada & Dowladda Federaalka..? [Shan Qodob oo Xasaasi ah]

Sababaha ugu weyn ee nidaamka Federaalka Soomaaliya u qaadatay ayaa ahayd in xukunka la wadaago oo hoos loo dejiyo intii uu ku koobnaan lahaa dowladda dhexe iyo shaqsiyaad gaara, kadib dowladii kacaanka oo awoodda oo dhan ay taallay caasimadda Muqdisho.

Inkastoo nidaamka Federaalka aan loo codeyn oo dadka Soomaaliyeedna aysan dooran, haddana waxaa ku heshiiyey intii siyaasadda Sooomaaliya isku heysatay iyo kooxihii kala duwanaa ee xukunka ku loolamayey, waxayna dowlad kasta ku qasbanaatay inay ku shaqeyso.

Waxaa joogto noqday khilaafaadka dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka oo soo bilowday xilli hore oo maamulka Puntland oo kaliya uu dalka ka jiray, markii ay isku dhaceen xukuumaddii Cali Maxamed Geedi iyo maamulkii Puntland ee uu xilligaasi hoggaamineyay Cadde Muuse, iyadoo la wada ogaa in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu si cad khaladka u saaray maamulka Puntland, waxaana markaas la isku heystay cidda xaqa u leh inay bixiso shatiyada shidaal qodista sanadkii 2005. [Akhriso]

Waxba isma bedelin ee dowlad kasta oo timaada waxay waqtiga ku dhameysataa iyadoo ay ku dhegan yihiin maamul goboleedyada, sanad kastana wuxuu dhammaadaa iyadoo dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyda dhowr jeer isku dhacaan, taasoo waqti badan uga lumo dowladda dhexe.

Haddaba waxaan qormadan ku eegeynaa sababaha keena inay mar waliba isku dhacaan maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka iyo xaqiiqooyinka yaalla ee dhaliya isku dhaca joogtada ah ee labada dhinac.

1- MAAMUL GOBOLEEDYADA & DOWLADDA DHEXE

Dowladda Federaalka ee xilligan jirtay waxay dadaal u gashay inay soo celiso nidaamkii dowladnimo, siiba arrimaha maaliyadda, taasoo wadata shuruudo isla xisaaban ku dhisan, mas’uul kastana laga rabo xisaab celin kharashka dowladda iyo inuu diyaar u yahay isla xisaabtan, taasoo ah shuruudo ku xiran nidaamka dowladeed ee maaliyadda iyo shuruudaha hay’adaha caalamiga ah ee dunida.

Madaxda maamul Goboleeyada oo u bartay inay lacago loo siiyo si fara- qabsi ah waxaa ku adkaatay inay ogolaadaan is xisaabin iyo la-xisaabtan, iyadoo ka dhacsan isbedelka dowladnimadu sameyneyso, waxayna doonayaan in wixii dhaqaale ee magaca Soomaali lagu helo dhexda lasoo dhigto oo la kala tuurto, halka dowladda Federaalka ay xisaab celin la timid, arrintan waxay qeyb ka tahay is-maandhaafka ka dhex taagan madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada federaalka xilliyadan danbe.

Inta badan maamul Goboleedyada ma laha nidaam maaliyadeed iyo miisaaniyad, mana jiro qorshe u degan oo ay ku maareeyeen dhaqaalaha maamuladooda soo gala ama loo qoondeeyo, waxayna dhaqaalaha la siiyo u heystaan mid ay iyagu xaq u leeyihiin oo ay jeebka ku shubtaan, iyadoo aan waxba la iska weydiin.

2- MADAXDA MAAMUL GOBOLEEDYADA EE XIL KORORSI DOONKA AH

Xaalad kale oo cirka ku shareertay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo madaxda maamul Goboleedyada ayaa ah iyadoo xilligan 4 ka mida madaxda maamul Goboleedyada dalka ay doonayaan in dib loo doorto oo ay xilalkooda ku soo noqdaan, iyagoo ku jira xaalad kala-guur ah.

Madaxdaasi waxay cabsi ka qabaan inay xilka ku soo laaban waayaan, waxayna fursad u arkaan inay abuuraan xaalad qalafsan iyo xasilooni darro siyaasadeed oo keeni karta inay kororsadaan mudadda xil heynta, maadaama aysan isku hubin taageerada dowaldda dhexe, waxayna qaarkood guul iyo dhibco siyaasadeed ku raadinayaan muran dhex mara dowladda Federaalka.

3- DANO-SHISHEEYE U SHAQEYNTA

Qodob kale oo xaaladda saameyn ku leh ayaa ah  in muddooyinkii danbe ay soo xirmayeen dhaqankii shisheeye u shaqeynta ee ay caadada ka dhigteen madaxda dowlad Goboledyada, iyagoo ka shidaal qaadanaya caasimadaha dalal shisheeye oo ay u fuliyaan danahooda ay Soomaali ka leeyihiin, ayna dhaafsadaan dhaqaale ama taageero ay kursiga ku si joogaan.

Markii dowladda Federaalka xiriir fiican la yeelatay dalalka Gobolka intooda badan iyo isbedellada ka dhacay Geeska Afrika wuxuu meesha ka saaray awoodii faragelinta Gobolka ee ay ku tiirsanaayeen madaxda maamul Goboleedyada, waxayna dareemeen in qeyb weyn oo ka mida awoodoodii ay lumiyeen, taasina waxay ku riixday inay dowladda Federaalka ku soo jeestaan.

Albaabka qaraabka ee hadda u furan madaxda dowlad Goboleedyada ayaa noqday dalka Imaaradka Carabta, halkaasoo ay iska xaadiriyaan mar kasta oo ay ka hor yimaadaan dowladooda federaalka ama abuuraan khilaaf culus oo siyaasadeed, taasoo loo fahmi karo inay shaqo u hayaan dowlad shisheeye oo dagaal kula jirta qaranimada iyo dowladnimada Soomaaliya qorshaheeduna yahay inay Soomaaliya sii kala qeybsanaato.

Mowqifkii dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka ee dhexdhexaadnimada ahaa ayey madaxda maamul Goboleeyadu ka macaasheen, markii ay la safteen Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, kana hor yimaadeen dowladoodii Federaalka. Qaarkood waxay caddeeyeen inay dhaqaale ka heleen Imaaraadka, halka qaar kalena aysan qarsan inay dhaqaale lagu dirirayo dowladda Soomaaliya kaga qaateen Abu Dhabi.

Marka arrintu halkaas mareyso waxay maamul goboleedyadu dowladda Federaalka ku heystaan siyaasadda Arrimaha dibadda oo ka mida qodobadda fara-ku-tiriska ah ee dowladda Federaalku ay Dastuuriyan maamulkeeda leedahay.

4- ISBEDELKA GEESKA AFRIKA

Dabeysha ka bilaabatay Itoobiya ee saameynta ku yeelatay Geeska Afrika, waxay sidoo kale saameyn xun ku yeelatay madaxda maamul goboleedyada qaarkood oo saaxiib la ahaa Itoobiya, iyadoo ay meesha ka ku xirnaashihii madaxdaasi ee Addis ababa.

Qaarkood waxay dareemeen cabsi ku aadan mustaqbalkooda siyaasadeed markii ay arkeen waxa ku dhacay madaxweynihii dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Iley oo maxkamad loo soo taagay dembiyo loo heysto, waxayna taasi ka xigaan inay abuuraan xaalad kacsan oo aan suuragal ka dhigeynin in loo raacdo wixii ay hore u galeen oo dembiyo ah ama cadaaladda la hor keeno.

5- DHAQAN DOWLAD DIIDNIMO

Waxyaabaha la yaabka leh ee madaxda maamul goboleedyada kala mid yihiin Alshabaab  ayaa ah inaan la helin dowlad awood leh oo dalka ka hana qaada, waxayna mar waliba hortaagan yihiin tallaabo kasta oo loo qaado dowladnimada, taasina waxaa ugu wacan  iyagoo doonaya in dowladda dhexe rakaato ku heystaan si ay u ahaato mid garba xiran oo u nugul handadaad joogto ah oo mar waliba baad uga qaataan.

Waxaa dhacda in Maamul Goboleedyada ka hor yimaadaan qorshayaasha dowladda ee amniga, dib u dhiska, xeer dejinta iyo arrimaha dhismaha ciidamada Qaranka, iyagoo baal maraya Dastuurka KMG ah, hay’adaha sharciga dejinta sida labada aqal Baarlamaanka, waxayna federaalka u heystaan Sanduuq lacag ka buuxdo oo la qeybsanayo oo kaliya.

Dhinaca kale dhaqamada siyaasadeed ee madaxda dowlad Goboleedyada waxay tusaale cad u yihiin inay ka horjeedaan Federaalka ay sheeganayaan inay ku dhisan yihiin maxaa yeelay ma jiro hal madaxweyne dowlad Goboleed oo xukunka hoos u dejiyey.

Maamul Goboleedkii ugu horeeyay iyo kii ugu danbeeyay waxay ka siman yihiin inay yihiin maamullo ‘MADAX KA NOOL’ hal qof ku amar-ku-taagleeyo oo Boorso ku jira, waxayna isu bedeleen keli-taliyeyaal rabitaankooda ku socda kana shaqeeya dano u gaara.

  • Ma jiro maamul ay baahiyeen oo kuwoodii ugu horeeyay ayaa hadda magacaaba ama kala dira golayaasha degaanka.
  • Ma jiro horumar la taaban karo oo ay degaanada ay maamulaan gaarsiiyeen, iyagoo qaarkood hanti Qaran gacanta ku haya oo dhaqaale badan kasoo galo.
  • Ma jirto cid la xisaabtanta ama wax ka weydiin karta waajibaadka dadkooda ka sugayeen. mana ogola in lala xisaabtamo.

Federaalka ay madaxda Maamul Goboleedyadu doonayaan waa mid nooc cusub ah oo aanay jirin meel uu dunida ka shaqeeyo, suuragalna maaha inay rabitaan shaqsiyeed ku wada shaqeeyaan Shanta madaxweyne Goboleed iyo dowladda Federaalka.

FAALLADDA WADANI ONLINE

Tags
Close
Close