FeaturedSomali News

Maxay ka dhigan yihiin kulan doceedyada socda, shirkii oo laysku mari la’yahay? | Akhri Xogtan.

 

Madaxda kala duwan ee kusugan magaalada Muqdisho, ayaa kulammo gaar gaar ah yeelanaya xilli uu wali ma dhalays yahay shirka madaxweynayaasha dawladda goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo.

 

Kulamada, ayaa gaar gaar u dhexemaraya madaxda maamullada, guddoomiye yaasha baarlamanka iyo xisbiyada mucaaradka ah.

Shirka, waxaa laysku diidanyahay qodob aad u xaas xaasiya oo lasheegay in madaxweyne Farmaajo uu aad ugu dheggenyahay halka madaxda maamullada badan koodu ay kasoo horjeedaan.

Madaxweynayaasha aadka u diidan qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusa-mareeb 3, ayaa kulamada ugu badan lala yeelanayaa.

Xalay waxaa kulamo gaar gaar ahi dhexmareen madaxweynayaasha Gal-mudug Axmad Cabdikaariye (Qoor-qoor) iyo madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamed Islaam (Madoobe)  oo dhinac.

 

Ladan hoggaamiye, yaa sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha socda ee siyaasadda, muranka doorashooyinka iyo xiriir wanaagsan oo maamulladood dhexmara.

 

Geesta kale, waxaa kulan yeeshay madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Hir-shabeelle iyo guddoomiyaha golaha shacabka oo aan faahfaahin dheeriya laga hayn qodobada ay ka wada hadleen.

Back to top button