FeaturedSomali News

Maxay ka dhiganyihiin Kulammada batay ee RW Rooble  uu la gelayo maxda kaladuwan ? 

 

Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo weli aan guda gelin hawlaha loo igmaday, ayaa kulammo kaladuwan waxa uu la qaadanayaan madaxda maamul goboleeddada iyo qaar kamida mucaaradka.

 

Kulammada oo lasheegayo in midkasta looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, ayaa dadka qaar aaminsanyihiin in ay salka ku hayaan olole siyaasadeed oo taageero loogu raadinayo musharax nimada madaxweyne Farmaajo oo isku dayaya in markale uu kursiga kusoo laabto.

Rooble, ayaa maanta oo kaliya waxaa uu kullammo laqaatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, madaxweynaha Jubbaland Axmad Madoobe Islaam  iyo madaxweynaha Hirshabeelle Axmad Cabdi Waare. Waxaan kulankasta lasheegay in diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka.

 

 

Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, ayaa ugu horrayn laga sugayaa in uu soo dhiso xukuumad  dalka kasaarta xilligan kala guurka ah.Hase ahaatee sida muuqata waxa uu ku mashquulay kulammo uu gaar gaar ula gelayo masuuliiyiin loo arko in uu kala hadlayo taageero lasiiyo madaxweyne Farmaajo.

 

Back to top button