FeaturedSomali News

Maxay ka wada hadleen Axmad Madoobe iyo guddoomiye Mursal oo kulmay.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya  Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha maamul Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo kulan ku yeeshey hoyga guddoomiye Mursal ee ku yaala madaxtooyada ayaa lasheegay in ay kawada hadleen arrimaha doorashooyink iyo xaaladda kala guur ka ah ee Soomaaliya.

 

Kulankooda, ayaa yimi wakhti aan ila hadda la meelmarin heshiiskii laga gaaray doorashooyinka.

 

Labada Masuul ayaa isla soo hadal qaaday sidii ay baarlamaanka Somalia ku meelmarin lahaayeen heshiiskii ay wada gaareen Dawladda Federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu kulamo ka wadaa magaalada Muqdisho.

 

Back to top button