FeaturedSomali News
Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Waare iyo Taliska guud ee ciidanka xoogga dalka oo kulmay.

Madaxweynaha maamul goboleedka Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare iyo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage oo ay weheliyaan saraakiisha Qeybta 27-aad ee ka howlgala deegaannada Hir-shabelle, ayaa ka wada hadlay looga wada shaqeyn lahaa adkaynta iyo kor uqaadidda ammaanka guud deegaannada Hir-shabeellle.
Kulanka madaxweyne Waare iyo taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga dalka, ayaa si gaara diirradda loogu saaray xaaladda kala guurka ah ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa ammaanka deegaannada Hir-shabeelle oo dhowaan geliya doorashooyin.