FeaturedSomali News

Maxay ka wada hadleen RW Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

Ra’isul wasaaraha ee Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble, ayaa kulankiisii ugu horreeyay ee uu la qaato mucaaradka waxa uu la yeeshay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo markii ugu horraysay muddo saddex sano iyo bar ah gudaha u galay Villa Somalia, ayaa qoraal u daabacay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in Raysal wasaaraha cusub ay kawada hadleen arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan si gooni ah diirada u wada saarnay arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horayso doorashada oo xiligeeda ku dhacda si cadaalad iyo sinaan lehna u dhacda” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Waxa uu tilmaamay  in Ra’isul wasaare Rooble uusan doonayn wax muddo kordhin ah, uuna ku dadaalayo sidii doorashadu ugu qabsoomo lahayn xiligeeda.

 

“Waxaan uga mahadcelinaya Raysalwasaaraha kalsooni gelinta ku aaddan in uusan doonaynin wax muddo kordhin ah, daddaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, iskuna deyi doono in uu dadka u sinaado. Waxaan kaloo u mahadcelinaya Xildhibaan Abtidoon yare oo fududeeyay qabsoomida kulanka”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah mucaaradka ugu adag ee ka baxsan madasha xisbiyada ee kasoo horjeeda dawladda madaxwayne Farmaajo, ayaa u muuqda nin aad uga soo horjeeda doorashooyinka Soomaaliya oo dib uga dhaca wakhtigooda.

Back to top button