FeaturedSomali News

Maxay kala yihiin saddexda guddi-doorasho ee lagu heshiiyay in la magcaabo ?

 

Wararka  aannu ka helaynno shirka ka socda Villa Somalia ee u dhexeeya madaxweynaha dawladda Federaalka ah iyo madaxweynayaasha maamul goboleeddada ,ayaa sheegaya in lagu heshiiyay in la magcaabo saddex guddi oo qabta doorashooyinka Baarlamanka ee soo socda.

 

Waxaa laysla qaatay in la magcaabo Guddiga Doorashada Heer Federaal, Guddiga Doorashada Heer Maamul Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka, ayaa lasheegay in uu magcaabidoono Madaxeyne Farmaajo, lakiin ay xubno ku yeelan doonaan dawlad goboleedyadu.

Sidoo kale labada guddiga ee kale doorashada, ayaa waxaa  kala magacaabi doona madaxweynaha iyo madax goboleedyada.

 

Saddexdaas guddi, ayaa lasheegay in ka shaqayndoonaan doorashada xubnaha Baarlamaanka Federaalka  ah ee Soomaaliya.

 

Back to top button