FeaturedSomali News

Maxay kala yihiin shuruudaha looga baahanyahay musharaxa xildhibaan ee BFS?

 

Jadwalka iyo habraaca doorashada xubnaha baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya  2020/2021, ayaa lashaaciyay. Iyada oo weli uu magaalada Muqdisho ka socdo shirka looga hadlayo dhaqan gelinta heshiiskii laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka.

 

Shuruudaha lagu xiray musharaxa xildhibaanka ee labada aqal ee baarlamanka, ayaa wax weyn laga bedelay sannadkan iyada oo kor looqaaday xaddiga lacagta diiwaan gelinta ee musharixiinta.

  1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

2. Dhimirkiisu u dhan yahay.

 

3. Da’diisu ka yarayn 25 sano

4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.

5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.

6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah.

7. In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.

8. Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.

9. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.

10. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.

11. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinay

 

Back to top button