FeaturedSomali News

Maxay ku heshiiyeen Deni  iyo Laftagreen oo Baydhabo ku shirsanaa ? | Akhri Xogtan

 

Madaxweynaha dawladda goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,  ayaa ka hadlay qodobbada ay ku heshiiyeen isaga iyo madaxweynaha KGS Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftigareen.

 

.

Madaxweyne Deni, ayaa tilmaamay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ay ku heshiiyeen arrimo ay ka mid yihiin horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, is-dhexgalka Bulshada iyo dhismaha nidaamka dowladnimo.

 

Deni, ayaa sheegay in Puntland ay garab taagantahay Koonfur Galbeed isla markaana ay ku taageeri doonto wixii khibarad ah ee ku aadan dhismaha dawladnimo.

 

Wararka aannu helaynno, ayaa sheegaya in madaxweyne Siciida Cabdilaahi Deni  uu ku wajahanyahay Gal-mudug markuu ka ambaboxo magaalada Baydhabo.

 

Deni,  oo heshiiska doorashooyinka u yimi magaaladda Muqdisho, ayaa haatan muddo bil kudhow  kasoo maqan xarunta maamulka Puntland ee Garoowe isaga oo shirkii kadib kullammo kala duwan Muqdisho kula qaatay masuuliyiin badan gaar ahaanna kuwa dawladda federaalka ah ku metela Puntland. Haddana waxaa muuqata in kullammo kale uu la qaadanayo qaarkamida madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan xarumahooda.

Back to top button