FeaturedSomali News

Maxay tahay deeqda ay DFS u dirtay gobollada Sool iyo Sanaag | Akhri Xogtan.

 

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay deeq ka kooban Daawooyin iyo qalab  guryaha lagu isticmaalo u gudbisay bulshada u baahan eek u sugan gobollada Sool iyo Saanaag.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Cabdirashiid Maxmuud Xasan, oo  ka hadlay munaasibadda koobadan oo deeqdan loogu wareejinayay xildhibaanno katirsan baarlamanka, ayaa sheegay in wasaaraddu ay waajib iska saaro dadka gargaarka u baahan eek u nool goobaha fog fog.

 

Deeqdan ayaa waxaa Wasaaradda ka gacan siiyay hey’adda qaxootiga ee UNHCR, waxaana wasaaraddu sheegtay inay kordhin doonto kaalmada la gaarsiinayo gobolladaasi, si looga jawaabo baahiyaha bini’aadanimo ee ka jira.

 

 “Wasaaradda waxa ay xoogga saareysaa sidii loo adkeyn lahaa awoodda bulshooyinka ku nool deegaannada fog fog si ay itaal ugu yeeshaan in ay iyaga iscaawinkaraan, iyada oo ay sidaasi tahay hadana waxaa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ay bixineysaa adeegyada asaasiga ah si loo caawiyo dadka u baahan gargaarka,” ayuu yiri sii hayaha wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Xildhibaan Cabdirashiid Maxmuud Xasan.

Back to top button