FeaturedSomali News

Maxay tahay doodda ay qabaan xildhibaannada kasoo horjeeda fadhiga BFS ee heshiiskii doorashada lagu meelmarinayo ?

 

Iyada oo saacado koobani ka harsanyihiin kalfadhiga labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya, oo loo ballansanyahay in lameelmariyo heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee ay gaareen madaxda maamul goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa  waxa soo baxaya aragtiyo isdiidan oo xildhibaannadu ay ka qabaan kal fadhiga iyo qaybo kamida heshiiska.

 

 

Xildhibaan Cabdi shire Jaamac oo kamida golaha shacabka, ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda kal-fadhiga labada gole iyo ajadaha laysugu imanayo oo uu sheegay in uu u muuqdo amar lasoo bixiyay oo aan kaduwan in xildhibaannadu ay ka doodaan ajandaha.

 

Xil. Cabdi Shire Jaamac, ayaa sheegay in heshiiska lagala cararayo raysal wasaaraha cusub oo aan hore uga mid ahayn madaxdii gaartay isla markaana la rabo in wakhtiganna aanu ku yeelan wax kaalin ah.

 

‘’ Hadda, waxaannu ku socoonnaa baarlamankii iyada oo la’leeyahay waxaad u codaynaysaan heshiiskii. Maaha, waad kadoodaysaan. Waxay nagu noqotay arrin fajac ah. Amar, ayaad mooddaa naloo soo dhiibay oo laleeyahay u coodeeya heshiiska’’ Ayuu yira xildhibaan Cabdi shire Jaamac oo u waramay Radio Kulmiye.

 

Labada aqal ee  baarlamanka Federaalka ah , ayaa muddooyinkii dambeba aad ukala fogaa oo aan yeelan wax kal-fadhiya, waxaana lays-wadiinayaa suurta galnimada in ay u codeeyaan heshiis aan laga yeelan wax dood ah oo duuduub lagu ansixiyo.

 

Back to top button