FeaturedSomali News

Maxay tahay halka sabab, ee Villa Somalia ay uga cabsanayso xil-wareejinta Khayre ?

 

Muddo laba bilood ah oo raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu kasii maqanyahay xafiiska kadib, maanta waxaa dalka ka taagan xaalad jaahwareer oo ku saabsan qaabka ay u dhacayso xil-wareejinta raysal wasaaraha; kadib markii uu baarlamanku ansixiyay Maxamed Xuseen Rooble oo madaxweyne Farmaajo u magcaabay raysal wasaaraha saddexda bilood ee ka harsan doorashada.

 

Kutumasho sharci oo ay ku kacday Villa Somalia, ayaa la aaminsanyahay in ay sababtay xaaladda cakiran ee ka taagan cidda xilka ku wareejinaysa raysal wasaaraha cusub.

 

Madaxweyne Farmaajo, ayaa markii ugu horraysay taariikhda Soomaaliya  magcaabay sii’hayaha xilka raysal wasaaraha oo uu ka dhigay kuxigeenkii raysal wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed, oo lasheegay in uu doonayo in isagu uu xilka ku wareejiyo Rooble.

 

Dadka siyaasadda faalleeya qaarkamida, ayaa aaminsan in sababta ugu weyne ee Villa Somalia ay cabsida uga qabto xil-wareejinta raysal wasaarihii hore ee Xasan Cali Khayre ay tahay; Khubaddiisa xil-wareejinta oo uu kaga warramayo waxqabadkiisii muuqday iyo horumarkii uu u horseeday qaranka muddadii uu xilka hayay.

 

Khayre, ayaa lagu tilmaama meshiinka dhaqaajiyay dalka saddexdii sano ee  ay jirtay dawladda Nabad iyo Nolol.

 

Warqad qoran, oo Xasan Cali Khayre  uu ku socodsiiyay raysal wasaaraha cusub, madaxweynaha, guddoonka baarlamanka , guddoomiyahah maxkamadda sare, raysal wasaare ku xigeenka iyo hanti-dhawrka guud, ayuu ku sheegay in uu diyaar u yahay in xilka uu ku wareejiyo raysal wasaaraha cusub inta lagu gudo jiro todobaadkan.

 

Wararka aanu wakhtigan helaynno, ayaa sheegay in raysal wasaare Rooble uu maalinta berri ee Axadda ah la wareegi doono xilka. Waxaase su’aali ka taagantahay waa ayo midka ay Villa Somalia qorshaysay in uu xilka wareejiyo Raysal wasaarihii hore ee Xasan Cali Khayre mise ku xigeenkiisii Mahdi Maxamed Guuleed ?

Back to top button