Somali News

Maxay tahay mushkiladda ka jirta Degmada Diinsoor, oo aad looga  dayrinayo | Akhri Xogtan.

 

Macaluul baahsan ayaa laga soo sheegayaa in ay ku dhufatay dadka ku nool degmda Diinsoor oo ku taalla Koonfur galbeed gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya.

 

Qaarkamida shacabka ku nool degmada, ayaa sheegay in uu meesha  ka baxay gargaar ugu ima jiray hay’adaha caalamiga ah oo muddooyinkan aan gaarin degmada. Beeriyihii, ayaa lasheegay in aan waxba kasoo go’in sannadkan. Waxaana cirka maraya sicir-bararka maceeshadda.

“ Sonkorta, waxaannu kiilada ku gadan jirnay wax ka yar haldoolar. Haddana waxaanu ku gadanaa laba doolar” Ayuu laanta Afka Soomaaliga ee BBC u sheegay.

 

Guddoomiyaha degmada Diinsoor Cabdisalaan Haadi siidaw, ayaa isna sheegay  in xaaladda baahidu ay marayso heerkii ugu sarreeyay.

 

Waxa uu tilmaamay, in dadku ay marayaan heer ah in saddexdii wakhti qaarkamida aanay helin wax ay cunaan.

 

Dhibaatada Coronavirus, ayaa sabab u noqotay in Diinsoor ay ka caagaan hay’adihii caalamiga ahaa ee gargaarka gaarsiin jiray.

 

Degmada, ayaa waxa lasheegay in ay go’doonsanayd muddo 7 sano ah isla markaana ay gacanta ku hayso xarakada Al-shabaab.

Back to top button