FeaturedSomali News

Maxay tahay sababta loo hakiyay shaqada Garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde. | Akhri warkan

 

Wararka aannu ka helaynno garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho,ayaa sheegaya in hakad la geliyay shaqadii garoonkaas kadib markii ay gadood sameeyeen shirkadaha Duulimaadyada ee ka howgala.

Dad ku sugan  gudaha garoonka Aadan Cadde, ayaa sheegay in shaqa joojintan ay sabab u tahay  xayiraad ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay mid kamid ah shirkadaha duullimadyada oo loo diiday inay u duusho magaalada Doolow ee gobolka Gedo

.

Guddiga ay ku mideysanyihii shirkadaha diyaaradaha ayaa shalay ku dhawaaqay inay shaqa joojin sameynayaan hadii dowladda Soomaaliya aysan ka laaban go’aanka ay ku xayirtay shirkadda.

 

Arrimahaas, ayaa keenay in gabi ahaanba ay hakad galaan duullimaadyadii tegi jiray gobollada dalka, waxaana garoonka ku xayiran boqolaal shacab ah oo ka dhoofi lahaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Idaacadda Radio kulmiye, ayaa ku warrantay in ay socdaan dedaallo xal loogu raadinayo arrintan  isla markaana uu garoonka ka jiro buuqbadani.

Back to top button