FeaturedSomali News

Maxay yihiin kullammada weli ay Muqdisho ka wadaan madaxda maamulladu ?

 

Madaxweynayaasha dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dawladda federaalka ah oo weli ku sugan Muqdisho, ayaa  wada kullammo  gaar-gaar ah, kadib heshiisyadii laga gaaray shirkii arrimaha doorashooyinka dalka  oo lasoo xiray habeennimadii Jimcaha.

Madaxweynahyaasha maamullada, ayaa intabadan waxa ay kullamo la qaadanayaan siyaasiyiinta iyo xildhibaannada kasoo jeeda deegaannadooda.

Wararka, ayaa sheegaya in laga wada hadlayo sidii looga hawl geli lahaa qodobadii lagu heshiiyay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmad Madoobe oo kamida madaxda shirarka la yeelanaysa masuuliyiinta kasoo jeedda deegaannadooda, ayaa lasheegay in xubnaha uu la kulmay uu kala hadlay arrinta gobolka gedo oo lasheegay in ilaa hadda aan wax go’aan ah laga gaarin.

 

 

Back to top button