Somali News

Maxey ka wadahadleen Wasiirka Gaashaandhigga DF iyo Safiirrada Qadar iyo Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee soomaaliya Mehmet Yilmaaz iyo Safiirka Qatar ee soomaaliya Hassan Hamza Asad kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga sadexda dowladeed ka dhexeeya iyo sidii ay ugu qeybqaadan lahayeen dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Xubnahan ayaa xusay in ay diyaar u yihiin in ay sii labo jibaaraan taageerada milatari ee ay u fidiyaan Dowladda soomaaliya .

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa Xusay in DFS dadaal xoogan ay galisay tayeeynta diiwaangalinta iyo tababarada ciidanka xoogga.

Dowladaha Turkiga iyo qatarna uu ugu mahadcelinayo garab istaagooda soomaaliya.

Back to top button