Somali News

Maxey ku heshiiyeen Janan iyo DF ?

Wasiirkii hore ee Amniga Jubaland ayaa soo bandhigay qodobada ku jira heshiiska dhexmaray isaga iyo Dowladda Federaalka.

Cabdirashid Janan ayaa qeexay heshiiska uu qaatay nooca uu yahay.

1. In uu heshiiska Dowladda Federalka la galay asagoo ah wasiirka amniga ee Jubaland

2. In ay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah.

3 In Ciidankaas ay la wareegeyso Dowladda Federalka Soomaaliya

4. In heshiiska uu qeyb ka yahay Kornel Abaas iyo saraakiil kale oo gobolka Gedo joogay

5. In uusan siyaasadda ka bixi doonin

Waxaa kale oo uu Janan sheegay in intaas oo dhan uu ku saleeyay abaaraha iyo collaadda ka taagan gobolka Gedo, uusan dooneynna in uu qeyb ka noqdo is-jidjiidka siyaasadeed ee Xamar ka socda.

Back to top button