Somali News

Maxey tahay sababta saaka loo xiray jidadka Muqdisho?.

Dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa saaka Ku waabariistay jidadka Magaalada oo gabi ahaan xiran.

Wadani.com ayaa ogaaday in ujeedada jidadka Muqdisho u xiranyihiin tahay kormeer but ra’isalwasaaraha cusub Ku tagayo Isbitaallada qaar ee Magaalada Muqdisho.

Shacabka ayaaa saaka lugeynayay iyaga oo xitaa dad waayeel ah iyo kuwo xanuunsan ballanna kulahaa Isbitaallada jidadka laga xiray.

Waxaa uu xalay la kulmay Taliska Ciidanka Booliiska oo uu kala hadlay in ay amaanka Magaalada ka shaqeeyaan ismarkaana ka hortagaan kiisaska kofsiga la xiriira.

Back to top button