Somali News

Maxey Waddamada Yurub u diideen Tallaalka maanta la keenay Muqdisho?

Inta  badan Waddamada Midowga Yurub ayaa iska joojiyay ama diiday qaadashada Tallaalka Caabuqa Covid19 ee AstraZeneca.

Waddamadan ayaa ku doodaya in hdowr qof ay dhinteen kaddib markii la tallaalay laguna tallaalay goojada AstraZeneca ee Tallaalka Covid 19.

Cilladaha lagu arkay waxaa ka mid ah in marka qofka lagu tallaalo AstraZenecauu dhiiggiisa Xinjir noqonayo ama adkaanayo taasina ay sababeyso in habdhiska dhiig wareegga uu istaagayo.

Waddamada Midowga Yurub ee diiday waxaa ka mid ah; Ireland,Netherlands, Denmark , Norway iyo kuwo kale oo ka mid ah Yurub.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaalya wali sharraxaad dheeraad ah kama bixin Tallaalkan hayeeshee waxaa ay sheegtay in lagu billaabayo shaqaalaha Caafimaadka.

 

Back to top button