Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Somali News

Maxkamadda Ciidamada oo Xabsi ku xukuntay Eedeysanayaal lagu helay Burcadnimo (Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada xukun xabsi ah ku riday eedeysayaasha kala ah: Aweys Cali  Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur, waxaana lagu xukumay 8 Sano oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Aweys Cali  Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur  ayaa si wada jir ah loogu soo qabtay iyagoo dhac u geysanayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa degmada Cabdi-caziiz ee gobalka Banaadir. Labada eedeysane ayaa dhac u geystay Wiil dhallinyaro ah oo kamid ah kuwa ku shaqeysto xirfadda sawirrada ee nolal maalmeedka ka raadiyo meelaha dadka isugu yimaadaan, waxa ay sidoo kale dhac u geysteen gabar wadatay Teleefanada gacanta iyadoo u adeeg doona-neysay suuqa.

Dadka ay dhaceen waxaa sidoo kale kamid ahaa laba wiil oo  xeebta liido ka baadi goobayay meyd qof ka maqan oo ay weysanaayeen kuwaasi oo ay ka qaateen laba teleefoon oo ay wateen.

sidoo kale waxa ay isla xilligaas dhac u geysteen mid kamid ah ciidamada amniga oo xilligaas u socday shaqadiisa amniga balse aan hub wadan iyo dharka ciidamada, waxa ayna taasi dhalisay in uu baadi goob u galo kuwii dhaca u geystay oo uu kula kulmay iyagoo joogo xeebta liido.

Hey’adaha dambi baarista ayaa eedeysanayaasha ku soo wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada kadib markii ay kala wareegeen Saldhiga Boliiska degmada Cabdi-caziiz, waxa uuna xafiiska weydiistay  garsoorayaasha in loo gudbiyo labada eedeysane xabsiga dhexe si gar-suge ahaan ah  13-ka bishii sagaalaad.

Garsoorayaasha ayaa la tashi  dhexdooda ah kadib go’aan ku  gaaray Aweys Cali  Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur  in si wada jir ah loogu xukumo sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Side.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku wareejisay agabkiisa  wiil dhallinyara ah oo ay ka dhaceen camera uu ku raadsan jiray nolol maalmeedkiisa.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

 

 

Burc

Related posts

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku saabsan Qaraxyadii Muqdisho siiyey Taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Wadani Media

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Wadani Media