Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukuntay Xubno ku eedeysnaa Alshabaabnimo (Sawirro)

Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukunno xabsi ah ku riday xubno lagu soo eedeeyay inay ka tirsanaayeen Alshabaab.

Maxkamadda ayaa ku heshay eedeysanayasha kala ah: Maxamed Cabdi Salaad Nuur iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Alshabaab, gaar ahaan kooxda  Amniyaadka, waxaana ciidamada amniga ka soo kala qabteen degmooyinka Cabdicasiis iyo Warta nabadda.

Cabdi Salaad Nuur ayay maxkamaddu ku xukuntay Sideed sano (8) oo xabsi ciidan ah, halka Gacal Maxamed Cali Maxamed lagu xukumay Seddax sano (3) oo xabsi ciidan ah sida uu shaaciyey Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah  Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

EEDEYSANAHA KOOWAAD:

Eedeysanaha koowaad ayaa Alshabaab kaga biiray gobalka Shabeelaha Dhexe sanadkii 2015-kii gaar ahaan  halka loo yaqaano Gamboole, wuxunau tababar saddex bil ah ku soo qaatay xero ku taalo duleedka Gamboole halkaasi uu ku bartay isticmaalka hubka fudud iyo tuurista bam gacmeedka (F1), intii uu joogay Shabeelah Dhexe ayuu ku fashilmay isku dayo dhowr ah oo loo diray balse waxaa loo soo bedelay magaalada Muqdisho, waxaana loo diray shaqada kale oo ku saabsan indha-indheynta goobaha dadka isugu yimaadaan ee ku teedsan xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, sidoo kale waxa uu hordhac sahmin u ahaa weeraro ismiidaamin ah oo badi fashil ku dhamaaday, kuwaasi oo ay ciidamada amniga fashiliyaan sida kuwa lagu doonayay in lagu galo gudaha Madaxtooyada.

EEDEYSANAHA LABAAD:

Gacal Maxamed Cali Maxamed oo ah eedeysanaha labaad ayaa iska diiday dhammaan eedaha loo jeediyay oo ay kamid ahaayeen in uu magaalada ku soo dhaweeyay eedeysanaha koowaad  ayna wada deganaayeen hal guri  sidoo kale ay  lahaayeen hal horjooge oo isagana ugu war dambeysay isagoo joogay halka loo yaqaano Sabiid, Gacal ayaa gacanta  ciidamada amniga soo galay 18 /4/ 2018.

Related posts

Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay Askar lagu Caddeyn waayey Dembi lagu soo oogay

Wadani Media

Ciidamada NISA Gacanta ku dhigtay Qof dhoofinayey Lacag been abuur ah & kooxda Daabacda (Sawirro)

Wadani Media

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo War kasoo saartay khilaafka Maamul Goboleedyada & Doorashooyinka

Wadani Media

Afar ka mida Madaxda Maamul Goboleedyada oo Beesha Caalamka & IGAD ka codsaday Faragelin [War-Murtiyeed]

Wadani Media

SAWIRRO: Ra’iisal Wasaaraha oo kormeer ku sameeyay shaqada Dekadda Muqdisho & Wasaaradda Maaliyadda

Wadani Media

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Xukun toogasho iyo bixin Diyo Dib ugu xukuntay Askar ka tirsan Ciidamada

Wadani Media