Somali News

Maxkamadda Ciidanka oo xukun dil ah ku ridday Askari dil horay u geystay

Maxkamada Darajada koowad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad ayaa Maanta oo isniin ah waxaa ay xukun dil ah ku riday Dable Geedow Maxamed Fiidow oo 23 sano jir ah ka tirsan Ciidanka Daraawiishta koonfur Galbeed.
Askariga oo ka howlgallayay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa Maxkamadda Ciidamada waxaa ay ku heshay in uu si bareera ah u dilay qof Shacab ah oo lagu Magacaabi jiray Mursal Cali Cadi kaas oo wadey Gaari hoomey ah ku safreyay Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo.
Sidoo kale Xabada uu riday askariga ayaa Isha Miidg waxaa ay ka dhaawacday Dhibane Nuur Maxamed Maadey, kaas oo haatan xaaladiisa caafimaad lala tacaalayo.
Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad Gaashaanle Sare Aadan Abuukar Maxamed oo Xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Dable Geedow Maxamed Fiidow lagu riday Xukun dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum ursal Cali Cadi.
May be an image of 3 people and people standing
Maxkamada Darajada koowad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad ayaa waxaa ay horay xukuno isugu jira dil iyo xarig waxaa ay ugu riday Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa Koonfur galbeed & Xubno ka tirsan Al-Shabab oo dambiyo kala duwan lagu helay
Back to top button