Somali News

Maxkamadda G.Banaadir oo dhaqangelineysa Qodobka 47aad

fulin

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in ay billaabeyso dhaqangelinta qodobka 47aad.

Qodobkan ayaa faraya in maxbuuska xukun sugaha ah 7maalin ba hal mar la horgeeyo Maxkamadda si loola socdo xaaladdiisa.

“Maxkamadda Gobalka Banaadir waxa ay bilowday Tillaabo lagu dhaqan Gelinaayo Qod. 47aad, Faqradiisa 3aad ee XHCS, kaas oo qeexaya in 7-dii maalinba mar maxbuuska la horgeeyo Garsoore illaa inta ay ka bilaabaneyso Dhegeysiga dacwadda, si loola socdo Xuquuqda iyo xaaladda Guud ee Maxbuuska Garsugaha u ah Maxkamadda.”

Waa markii ugu Horeysay oo ay Maxkamaddu bilaabeyso dabaqaadda Qodobkaan, si loo ilaaliyo xuquuqda Garsugaha.

Inta badan maxkamadaha dalka ayaa kaliya dhegeysta kiisaska marka maxbuuska la horgeeyo iyada oo inta badan maxaabiista ay xiranyihiin xukun la’aan.

Dastuur dalka ayaa wuxuu sheeg ayaa in muwaaddinka uusan 24 saac ka badan uusan xirnaan karin haddii aanay maxkamad xukmin.

Back to top button