Somali News

Maxkamadda G.Banaadir oo Sharikadda Favori LLC ku amartay in ay magdhow siiso Shaqaale Soomaali ah oo ay ceyrisay

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Sharikadda Favori LLC ku amartay in ay magdhow siiso Shaqaale Soomaali ah oo ay ceyrisay.

Maxkamadda ayaa Axmed Cabdulle u xukuntay in uu ku laabto shaqadiisa sidoo kalena la siiyo magdhow la xiriira muddadii uu shaqada ka maqnaa.

Gal dacwadeedka Abshir waxaa xareeray Midowga Ururrada Shaqalaha Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Cumar Faaruuq Cismaan kaas oo sidoo kale ah Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Favori LLC ayaa waxaa dhowr jeer ka sheegtay shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Back to top button