Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Somali News

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Xukun toogasho iyo bixin Diyo Dib ugu xukuntay Askar ka tirsan Ciidamada

Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa dib u xukuntay eedeysanayaal ay hore xukun dil ah iyo bixinta diyo ugu xukuntay Maxkmadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida, iyadoo diiday rafcaan ay ka qaateen xukunkaasi.

Garsoorayaasha Maxkamdda Sare ee Ciidamada ayaa   go’aan ku gaaray in Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali lagu  raaco  xukunkii Maxkamadda Darajada koowaad ee ahaa bixinta laba boqol ee halaad ee labada Marxuum  iyo  qarashka ku baxay sedaxda dhibane ee uu dhaawacu soo  gaaray, isla markaana  Maxkamadda ku xukuntay Dil toogasho ah Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo ah qisaaasta Marxuum Xasan Abshir Warsame, Sida uu shaaciyay Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Saree ee Ciidamada Qalabka Sida.

Racfaanlayaasha kala ah Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ayaa si wada jir ah loogu soo eedeeyay in ay rasaas ay rideen ay   ku dhinteen dad rayid ah oo saarnaa gaari Hoomey ah oo marayay waddada Bacaacow ee  degmada Afgooye, halka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu Baladwayne  ku dilay 7/2/2018 Marxuum Xasan Abshir Warsame 7/2/2018 ee sanadkaan.

Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ayaa waxay horay ugu xukuntay Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada in ay bixiyaan magta Labada marxuum oo ay dileen oo ah laba boqol oo halaad iyo Qarashkii ku baxay dhibanayaal dhaawaca uu  ka soo gaaray rasaasta ay fureen, halka  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaastii Marxuum  Xasan Abshir Warsame  26-ka bishii sideedaad ee sanadkan .

Dhanka kale eedaysane Yariisow ayaa xeer ilaalinta ciidamadu waxay sheegtay inuu isaga soo baxsaday halka uu dilka ka geystay ee ahayd dagmada Beledweyn ee  xarunta gobalka Hiiraan, isagoo soo  gaaray  magaalada Muqdisho.

07/07/2018 ayuu isku dayay Yariisoow in u iska diiwaan  geliyo dugsiga tababarka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye xilligaasi uu ku dadaalayay badalka magiciisa iyo ku biiristiisa Booliiska, balse ciidamada Boliiska oo haayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan  qeybta 27-aad  ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle.

Sidaa darteed 10ka- bishii tobanaad ee sanadkan ayay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida  muddaysay waqtiga dacwad qaadista labada Kiis, waxaana sedax  cisho kadib loo ballamay in loo fariisto Maxkamadaynta Sedaxda  eedeysane ee rafcaanka soo qaatay Xukunkii Maxkamadda Darajada Koowaad.

Dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side iyo Qareenada difaacayay eedeysanayaasha oo qaadatay Subaxnimadii Sabtida ilaa Duhuradii ayay dhageysatay Maxkamadda Sare ee Ciidamada 13/10/2018, waxa ayna dhinac kasta u bandhigeen Garsoorayaasha hadba qodobada ay cuskanayaan difaaca iyo eedeynta eedeysanayaasha.

Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa si wada jir ah labada kiis ugu dooday in ay ahaayeen kuwa ku tala gal ah, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in dil toogasha lagu xukumo sida uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenKa Xeer ilaaliyaha  Ciidamada Qalabka Side.

Qareenada u dooday  eedeysanayaasha ayaa iyagana ku dooday in Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ay ku guda jireen  howlo shaqo oo amni xaqiijin ah, waxa ay weydiisteen garsoorka in loo naxariisto  halka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo isaga qirtay dambigiisa loo fududeeyo xukunka oo  dhammaan eedeysanayaasha si wada jir ah looga qaado diyo.

 

Related posts

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku saabsan Qaraxyadii Muqdisho siiyey Taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Wadani Media

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Wadani Media