FeaturedSomali News

Maxkamadda sare ee Kenya, oo ku baaqday in lakala diro baarlamanka dalkaasi | Akhri Sababta.

Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa loogu baaqay in uu kala diro gabi ahaanba xildhibaannada golaha baarlamanka ee dalkaasi, kadib markii ay ku guuldaraysateen meel marinta sharciga dhigaya in saddex meelood laba golaha baarlamanka ee dalaasi ay dumar noqdaan.

 

Baaqan, ayaa kayimi Guddoomiyaha Maxkammada Sare ee Kenya David Kenani Maraga oo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta u soo jeediyay in la kala diro baarlamaanka dalkaasi kadib markii ay ku guuldarraysteen meel marinta sharcigaas.

Tallaabadan ayaa shaqo la`aan dhigi doonta 418-da xildhibaan ee baarlamaanka Kenya.

 

Qaar kamida xildhaannada Kenya, ayaa go’aankan u arka mid siyaasadaysan oo uu wato guddoomiyaha maxkamadda sare ,maadaama lasheegayo in wakhtigiisii uu dhammaadyahay.

Xildhibaannada, ayaa guddoomiyaha maxkamadda ku eedeeyay in uu doonayo in uu qalalaase geliyo dalka.

Xildhibanaanada hadlay, aya qoorkood sheegeen in golaha baarlamanka ay soo doorteen dadka shacabka ah sidaas darteedna aanay samayn karin waxa aanu shacabku dooneyn hase ahaatee dad gaari ahi doonayaan.

 

Waa markii ugu horraysay taariikhda Kenaya ee maxkamad sare ay ku taliso in lakala diro baarlamaanka. Waxaana madaxweyne Uhuro Kenyatta looga fadhiyaan in uu kasoo tashado arrintaas.

 

Back to top button