Somali News

Mid ka mid ah Raggii dilay Hodon Naaleeye oo la xukumay

Maxkamadda Ciidanka Maamulka Jubaland ayaa xukun Ku ridday mid ka mid ah raggii weeraray Hotelka Cascaseey ee Magaalada Kismaayo.

Waxaa laga soo qabtay isagoo ka dhex dagaalamaya Hotel Cas-caseey ee Magaalada Kismaayo waxaana lagu magacaabaa Deeqoow caliyoow kuusoow waana 19 jir waxaana lagu xukumay dil.

Dadka Hotelkaas Ku dhintay waxaa ay gaarayeen 57 qof, waxaa ka mid ahaa Hodon Naaleeye oo ahayd Gabar Wariye ah sidoo kalena dhiirrogelin jirtay Haweenka.

Waxaa kale oo dadka dhintay Ku jiray Ajaanib Kismaayo u joogay shaqo sida ay sheegeen.

Back to top button