FeaturedSomali News

Midawga Yurub, oo deeq-waxbarasho siinaya ardayda Soomaaliyeed

Midowga Yurub iyo Xafiiska mashaariicda adeegyada ee Qaramada Midoobay ee magaciisa loo soo gaabiyo   UNOPS, ayaa shaaciyay inay bilaabayaan Deeqo-waxbarasho oo lasiinayo ardayda Soomaaliyeed.

 

Ardayda Soomaaliyeed ee heerka jaamacadeed, ayaa heli doona deeq-waxbarsho oo ah  shahaadada Bachelor-ka iyo Master-ka ee kulliyadaha isbedelka cimilada, nafaqada iyo xalka waara.

 

Midawga Yurub, ayaa sheegay in fursadahan waxbarasho kor loogu qaadayo heerka waxbarasho ee dhallinta Soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaha da’da yar.

 

“Abaalmarinta deeqda waxbarasho ee dhismaha adkeysiga waa tusaale kamid ah sida Midowga Yurub ay ugu heellan yihiin mustaqbalka Soomaaliya, ”ayuu yiri Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga.

“Dhisida khibrada la xiriirta adkeysiga iyo isbadalka cimilada waxay dhiiri gelin doontaa xalka waara ee mustaqbalka. Intaa waxaa dheer, 50 boqolkiiba deeqaha waxbarasho ayaa loo qoondeyn doonaa gabdhaha ardayda ah si loo hubiyo in haweenka aqoonyahannada ah ay si buuxda uga qayb qaataan horumarka Soomaaliya, ”ayuu yiri Danjiraha.

Abaalmarinta deeqda waxbarasho ee adkeysiga waxaa loogu talagalay in lagu daboolo kharashka ardayga muddo hal sano ah. Ilaa 20 fursadood oo deeq waxbarasho ayaa la siin doonaa ardayda u-qalanta iyada oo 50% la doonayo in ay noqdaan haween dadka ka faa’idaysanaya.

Liiska dadka ku guulaysta deeqaha waxbarasho ayaa lagu dhawaaqi doonaa dhamaadka  bisha Novermper  2020.

Back to top button