Somali News

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey oo shir degdeg ah ugu baaqay dhinacyada Soomaalida

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa qoraal ay si wadajir ah u soo saareen waxa ay uga hadleen arrimaha siyaasada dalka.
Waxaa ay ku baaqeen in siyaasiyinta Soomaalida ay wadahadal ka yeesheen khilaafka arrimaha doorashooyinka.
Qoraalka ayaa sidoo kale loogu baaqay siyaasiyiinta soomaaliyeed sidii looga hadli lahaa arrimaha doorashooyinka.
“Guddoomiyaha iyo Xoghayaha guud waxay ugu baaqayaan hoggaamiyaasha Soomaalida inay dib u bilaabaan wada hadalada kuna shaqeeyaan niyad sami si looga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee ugu dambeeya ee doorashooyinka loo dhanyahay sida ugu dhaqsaha badan uguna ixtiraamaan heshiiskii ay wada gaareen 17kii Sebtember 2020.”
Back to top button