Somali News

Midowga Musharrixiinta oo codsi u gudbiyay beesha Caalamka

Golaha Midowga Musharrixiinta xilka Madaxaweynaha ayaa waxaa ay warqad u qoreen Beesha Caalamka taas oo ay kaga hadlayeen xaaladda dalka.

Midowga Musharxiinta ayaa war ay soo saareen goor dhaweed waxa ay u direen Beesha Caalamka, Waxa ayna qoraalkooda ku muujiyeen talooyinka xalka noqonkara.

Midowga Musharxiinta, ayaa soo jeediyay in deegaan doorashada laga dhigo hal magaalo.

In arinta reer waqooyiga looga dambeeyo Cabdi Xaasho, iyaga sidoo kale sheegay in ay hayaan liiska dadka aytahay in laga saaro guddiga.

sidoo kale waxaa ay dalbadeeb kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada, iyo xubnaha Midowga Musharrixiinta.

Waxii la dambeeya 8February ayey ku sheegeen in dalka uu galayo qalalaase dhinaca dastuurka ah loona baahanyahay ka hor in heshiis la gaaro.

Back to top button