Somali News

Midowga Musharrixiinta oo Jimcaha qabanaya banaanbax kale

Hoggaanka Midowga Musharrixiinta xilka Madaxweynaha ayaa mar kale ku dhawaaqay qabashada mudaharaad kale.

Hoggaamiyaha Madasha musharrixiinta Sheekh sharif Sheekh Axmed oo ka hadlay shir ay ku qabteen Muqdisho ayaa sheegay in Banaabax kale ay qabanayaan.

Waxaa uu xusay in banaanbaxa uu 26ka Bishan ka dhacayo fagaaraha daljirka daahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Go’aanka Midowga musharrixiinta ayaa ku soo aadaya iyada oo Jimcihii hore uu khasaare ka dhashay banaanbax ay iclaamiyeen.

 

Back to top button