Somali News

Midowga Musharrixiinta oo ka horyimid go’aankii dowladda ku joojisay banaanbaxooda

Xubnaha Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shegay in aysan dheg jalag u siineyn go’aankii ka soo baxay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee lagu joojiyay banaanbaxa ay Iclaamiyeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah  ka mid ah midowga musharixiinta ayaa sheegay in aysan dhag jalaq u siin doonin go’aanka dowladda ay isku hortaagtay dibadbaxa, waxaana uu intaa ku darray in uu yahay xaq dastuur ah in dadku aragtidooda cabiraan.

Isaga oo la hadlayay BBC ayuu sheegay in markii ay dowladdu go’aankan ku dhawaaqeysay maalintii shalay dhinaca kale magaalada Beledweyne uu ka dhacay dibadbax lagu taageerayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  waxaana uu su’aal ka keenay sharciga fasaxaya dibadbaxa madaxweynaha lagu taageerayo ee diidaya kan looga soo horjeedo.

Laakiin Wasiirka Amniga Soomaaliya  oo maalintii shalay hadlay ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin  nooc kasta oo dibadbax ah haddii uu lahaa mid dowladda lagu taageersan yahay in mid kale looga soo horjeedo, iyada oo taa loo yeelayo sababo caafimaad iyo mid amni intaba.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay banaanbax rabshado watay oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Back to top button