Somali News

Midowga Musharrixiinta oo sheegay in banaanbaxii Sabtiga lagu heshiiyay ay qabanayaan Arbacada Ama Khamiista

Qaar ka.mid ah Xubnaha Midowga Nusharrixiinta ayaa sheegaya in ay soo hormarinayaan banaanbaxa dowladda iyo Mucaaradka ay ku heshiiyeen in la qabto sabtiga soo socda.

Go’aankan ayaa la xiriiira kaddib markii Madaxweynaha Waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo uu shir ku dhawaaqay.

Mucaaradka ayaa u arka shirkaas mid lagu burburinayo heshiiskii Xukuumadda iyo Misharrixiinta.

Farmaajo ayaa ku dhawaaqay shir ay isugu imanayaan madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ah.

Shirka uu ku dhawaaqay Farmaajo ayey falanqeeyayaasha ku sheegayaan inuu iska horkeenayo Xukuumadda iyo musharrixiinta, dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

Back to top button