FeaturedSomali News

Midowga Yurub oo markii ugu horeysay 100 Milyan oo Euro ku taageeraya Miisaaniyadda Dowladda Somalia

Midowga Yurub markii ugu horeyasy ansixiyey taageero dhaqaale oo lagu taageerayo miisaaniyad dowladda Federaalka Soomaaliya oo si toos ah loo siinayo Soomaaliya.

Deeqdan ayaa gaareysa 100 milyan oo Euro oo socon doonta October 2018 ilaa 2021, taageeradan miisaaniyadeed ayaa la marin doonaa Dowladda Federaalka iyadoo la adeegsanayo nidaamka dowliga ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Midowga Yurub.

Taageerada Miisaaniyadeed ayaa lagu bixinayaa heshiis ay Midowga Yurub la galeen Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, dib-u-habeyn lagu sameenayo dhinacyada dhaqaalaha bulshada Maamulka, xukunka sharciga, kaluumaysiga, waxbarashada iyo arrimo kale.

Mashruucan taageerada miisaaniyadda (ayaa sidoo kale loogu yeeray Heshiiska Dawlad Goboleedyada iyo Awoodda si degdeg ah uga soo kabashada dhibaatooyinka Soomaaliya), Midowga Yurub wuxuu hiigsanayaa in uu taageero federaalnimada Soomaaliya iyada oo loo marayo sare u kaca iyo horumarinta maaliyadeed ee ay dowlada dhexe ee Federaalka gaartay, iyada oo loo marayo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka. Waxay sidoo kale Midowga Yurub uu xoojinayaa heshiiska bulshada ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed iyadoo si tartiib tartiib ah u kordhinaysa doorka Maamulka Soomaalida ee bixinta adeegyada asaasiga ah.

Ansaxinta barnaamijka taageerada miisaaniyadeed ayaa qayb ka ah jawaab balaaran oo caalami ah oo ku saabsan hanaanka dowlad wanaaga iyo dib-u-habeeynta iyo fulinta siyaasadeed ay samaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tags
Close
Close