FeaturedSomali News

Millateriga Itoobiya, oo kadigay inqilaab ka dhaca waddankaasi | Akhri warkan.

Ciidamada Millateriga ee dalka Itoobiya ayaa ka digay isku day af-gembi ka dhaca dalkaasi,  kaddib markii ay dowladda dib u dhingtay xilligii ay  dhici lahayd doorashada dalkaasi oo beegnayda Bishii Augusta.

Taliye ku xigeenka  ciidamada millateriga Itoobiya Janaraal Berhanu Jula, oo kasoo muuqaday telefishinka dowladda, ayaa ka sheegay  in milatariga uu ka warqabo isku day qalalaaso, taas oo ku saabsan in dowlad rasmi ah aysan jiri doonin wixii ka dambeeya 10-ka bisha  October, x oo ay ku ektahay muddada xileedka  dowladda haatan jirta.

“Xukunka waxaa keliya lagu qabsan karaa inay doorasho dhacdo. Wax kale ma jiraan. Ma jireyso dowlad ku meel gaar ah iyo wax la mid ah… Ha isku taagin ciidamada. Tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa cid kasta oo isku dayda inay xukunka kula wareegto qaab aan dastuurka waafaqsaneyn,” ayuu yiri janaraal Berhanu.

Baarlamanka Federaalka ah ee Itoobiya, ayaa Bishii July kordhisay muddo xilleedka dawladda, Caqabadaha cudurka covid-19 awgii .

 

Mucaaradka oo ay ugu horreeyaan siyaasiyiinta qoomiyadda Tigray-ga, ayaa dhowr jeer ku goodiyay in aanay jiri doonin dowladda ka talis dalka dalkaa haddii aanay doorashadu qabsoomi 10-bisha soo wajahan ee October.

 

Back to top button