FeaturedSomali News

Millateriga Soomaaliya, oo deegaanno cusub kala wareegay Al-shabaab.

 

Ciidammada Millateriga Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa weerraro ay ku qaadeen xarakada Al-shabaab, waxa ay sheegeen in ay ku laayeen xubno ka tirsan kooxdaasi.

 

Ciidammada, ayaa sidookale sheegay in ay gacanta ku dhigeen deegaanno hor leh oo ay ka talin jirtay Al-shabaab, isla markaana ay shacabka ku dhibaatayn jirtay.

Deegaanada ay ciidamada dagaalka kula wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Katiin, Bernasey, Warabole, cusbo,  Xawaljiri oo dhamaantooda hoostaga  Magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Jubbaland.

 

 

War qoraal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidammada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannadaasi ay dhibaatooyin ka kulmi jireen Kooxda Al-shabaab oo lasheegay in lacago iyo xoolo sharci darro ah ay ka qaadijireen.

Back to top button