FeaturedSomali News

fadeexad ka dhalatay muuqaalka wiil ay dawladdu warbaahinta ku faafisay? | Akhri xogtaan.

 

Laamaha ammaanka, ayaa ku tilaabsaday arrin sharci darro ah kadib markii ay warbaahinta soo geliyeen muuqaalka iyo magaca saddexan ee  muwaadin ay sheegeen in loo tuhunsanyahay dilkii iyo kufsigii foosha xumuu ee lagula kacay alle haw naxariistee marxuumad Xamda Maxamed Faarax.

 

Taliye ku xigeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraal Sakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidanka Boliiska Galmudug howlgal ay xalay xilli dambe ka sameeyeen magaalada Cadaado ay ku soo qabteen, wiil lagu magcaabo Maxamed Ibraahim Cismaan oo lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa kiiskii marxuumad Xamdi Maxamed Faarax.

Ciidanka Booliiska, ayaa u muuqda in ay xukun ku rideen eedaysanahan ay magaciisa iyo muqaalkiisba ku baahiyeen warbaahinta.

 

 

Arrinkan, ayaa lagu soo beegay xilli magaalada Muqdisho laga abaabulayo muddo haraad lagu dalbanayo in caddaalad loo raadiyo marxuumada Xamda Maxamed Faarax. Hase ahaatee falkan ay booliisku ku kaceen, ayaa ah xad gudub sharci oo lagula kacay muwaadin aan weli waxba lagu caddayn oo maxkamad lasoo taagin.

 

Back to top button