Somali News

Mooshin laga abaabulayo Guddoonka Baarlamaanka Puntland

Wararka ka imanaya Magaalada Garowe ayaa waxaa ay sheegayaan in mooshin ka dhan ah Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaas uu ka socdo Garowe.

Abaabulka Mooshinka ayaa waxaa wada qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntlad kuwaas oo u ololeynaya isbeddel dhanka Guddoonka qaarkiis ah.

Mooshinka ayaa waxaa laga wadaa Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Warsame Maxamed.

Madaxweynaha Puntland ayaa mooshin uu maalgeliyay waxaa Baarlamaanka Guddoomiyihiisii looga eryay Dhooba daareed oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland waxaana lagu beddelay Nin ay ehelyihiin.

Puntland ayaa gashay mowjado siyaasadeed tan iyo qabsashadii Siciid Cabdullahi Deni iyada oo dhowr jeer ay isku xumaadeen dowlada Federaalka ah.

Back to top button