Somali News

Mursal iyo Farmaajo miyaa ku kala tagay Siyaasadda?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa lagu arkay Guriga Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Qoraal lagu daabacay Bogga Golaha Shacabka ayuu lagu sheegay labada Siyaasi ay ka wadahadleen arrimaha doorashada.

“Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Amb Mohamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Hoygiisa ku Qaabilay Madaxweynihii Hore ee Maamulka Koonfur Galbeed sidookalena ah Gudoomiyaha Xisbiga Horu-socod Qaran Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan,

Kulankooda waxay isla soo qaadeen xaaldaha Guud ee dalka iyo arimaha Doorashooyinka 2021.”

Kulankan ayaa loo arkaa mid uu Mursal ku muujinayay in uu wali xiriir la leeyahay Mucaaradka islamarkaana awoodo ku milan kooda.

Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa waxaa uu saaxiib la ahaa waxaase muuqata in hadda ay kala dhaqaaqeen.

Back to top button