Somali News

Musharrixiinta Guddoonka Hirshabelle oo khudbadahooda jeedinaya

Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa maanta dhegeysanaya khudbadaha musharrixiinta u taagan Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo labadiisa Ku xigeen.

1: Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) oo u tartamaya jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

2: Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo u tartamaya Jagada Guddoomiyaha kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle.

3: Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan iyo Xildhiban Marwo Canab Axmed Ciise oo u tartamaya Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Maalinta Berito oo Arbaco ah ayaa la filayaa hadii aan isbedel kale imaan in Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle in lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen.

Maxamed Nuur Geedi Hilowle

Back to top button