Somali News

Musharrixiinta: ” Khad cas ayey noo tahay in Xabbad lagu rido Mudaharaadayaasha”

Madasha musharrixiinta Madaxweynaha ayaa shir jaraa’id oo ay goordhow ku qabteen Magaalada Muqdisho waxaa ay kaga hadleen dhacdadii shalay uu Ninka hubeysan ku rasaaseeyay dad ku banaanbaxayay Isgoyska Banaadir.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku hadlayay afka Midowga Musharrixiinta ayaa sheegay in ay cambaareynayaan falkaasi dadkana xaq u leeyihiin in ay dhiibtaan ra’yigooda.

Waxaa uu sheegay in midowga Musharrixiinta ay khad cas u tahay in xabbad loo adeegsado dibadbaxayaasha waxaana uu ka digay in falkaas oo kale uu soo laabto.

Shariif ayaa waxaa kulanka ku wehliyay musharrixiinta kala ah Xasan Sheekh maxamuud, Xasan Cali Kheyre, Shariif Xasan Sheekh Aadan, C/Raxmaan C/Shakuur Warsame iyo Musharrax C/Naasir Cabdulle.

Back to top button