Somali News

Mustaf Dhuxulow oo lagu xiray Hargeysa

Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ahna musharrax madaxweyne ayaa maanta lagu xiray magaalada Hargeysa, xilli uu kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal.

Maamulka Somaliland ayaa xira siyaasiyiinta xilalka ka haya koofur, halka kuwa reer waqooyiga cafis ku tagaan.

Ra’isalwasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ugu dambeeyay dadka ku laabtay Hargeysa.

Sidoo kale Ridwaan Xirsi oo horay Raisalwasaare ku xigeen ka ahaa Soomaaliya ayaa ku laabtay Hargeysa haddana waxaa uu Afhayeen u yahay Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Back to top button