Somali News

Muusa Biixi: “Maxkamad ayaa la saarayaa siyaasiyiinta Somaliland ee jooga Muqdisho”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu ka hadlay doorashada Soomaaliya waxaana uu  Nasiib darro ku tilmaamay in xubno Somaliland matala lagu doorto Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Xubnaha Somaliland u dhashay ee ku sugan Muqdisho ay ceeb ku tahay in ay iyaga oo aan cidi matalin islamarkaana ay ciqaab dheeraad ah u diyaarinayaan.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in sharci adag oo ilaa Maxkamad ah la marsiinayo dadka Somaliland u dhashay ee ka shaqeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu intaas ku daray in aysan marka ka tanasuleynin qadiyadda SOmaliland islamarkaana dadka sheegayana in ay matalayaan ee ku sugan Muqdisho aysan ahayn kuwo go’aamin kara masiirkooda.

Back to top button