Somali News

Muuse Biixi: “anigaa billaabaya Tallaalka Covid19”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Tallaalka Covid19 ee shalay la geeyay Hargeysa uu qofka ugu horreeya ee qaadanaya isaga noqonayo.

Hadalka Muuse Biixi ayaa ku soo aadaya iyada oo baraha bulshada la isla dhexmarayo walaaca laga qabo tallaalka la keenay Soomaaliya oo ay dalal badan iska joojiyeen.

Muuse Biixi oo ka hadlayay arrinkaas ayaa yiri.

“Talaalkii shalay yimid waa mid caalamka oo dhan yimid, Sabtida ayuu bilaabmayaa , Aniga ayaana kaw ka ah talaalkaasi oo qaadanaya”.

Shalay ayaa Tallaalka Covid19 laga daahfuray Soomaaliya iyada oo Maamullada Puntland iyo Somaliland uu shalay ka dagay magaalo madaxyadooda waxaana lagu wadaa in Sabtiga la billaabo qaadashadiisa.

Back to top button