Somali News

Muuse Biixi oo amray dadajinta kiiska Ugbaad Cali

Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa amar ku siiyey bahda garsoorka gobolka Togdheer inay dadajiyaan go’aanka kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee dhawaan Burco loogu gaystay Ugbaad Cali Cabdilaahi oo ahayd hooyo saddex caruura haysatay.

Madaxwaynaha ayaa sheegay inuu ballan qaadayo inuu si dhakhso ah xukuumadiisu u fulin doonto go’aanka maxkamaddu soo saarto madaama oo falkaasi ahaa mid aad u fool xun.

Kiiska kufsiga iyo dilka ah ee hooyo Ugbaad ayaa loo qabtay dhowr qof kuwaas oo caddaaladda wajahaya.

Back to top button