Somali News

Muuse Biixi oo kursiga adkeystay

muuse

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha maamulka la magac baxay Somaliland ayaa markale Ku guuleystay hoggaaminta Xisbiga Kulmiye.

Shirweynaha afaraad ee xisbiga oo maalmahan ka socday Hargeysa ayaa lagu doortay hoggaanka Xisbiga.

Muuse Biixi ayaa loo doortay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ah midka haya talada maamulkaasi.

Guddoomiye Ku xigeennadiisa ayaa waxaa ay Kala noqdeen;

1- Maxamed Kaahin Axmed
2- Axmed Cabdi Dheere
3- Xuseen Aadan Cadde
4- Maxamuud Xasan Saajin.

Muuse oo 2017kii noqday Madaxweynaha Somaliland ayaa dib u dhigay doorashooyinka Golaha wakiillada iyo kuwa degaanka.

Back to top button