Somali News

Muwaaddin Soomaaliyeed oo inta la dilay kaddibna la gubay,K/ Afrika

Booliska Gobolka Eastern Cape Ayaa Baaraya Dil Fool Xun Oo Loo Geeystay Muwaadin Soomaali Ah Oo lagu magacaabi jiray Ibrahim Hared Nunow kaasi oo Ganacsi Ku Lahaa Tuulada matatiele Ee Dhacda Xuduuda Gobolka EC uu La Leeyahay Dalka Yar Ee Ku dhax Yaala K/Afrika Ee Lesotho

Allah ha u naxariistee Ibrahim Hared Nunow Ayaa la sheegay in sabtidii ay soo weerareen dableey hubeeysan kuwaasi oo dilay kadibne ku dhax gubay dukaankiisa sida aad ku arki kartaan muqaalkane laga soo duubay dukaankii uu lahaa marxuumka

shalay galinkii dambe ayaa lagu aasay qabuura u dhow baadiyaha Degaanka Umtata

Saraakiisha Booliska Oo Kiiskan baarayay ayaa sheegay in ay hayaan radaad la xiriira dadkii ka dambeeyay falkan foosha xun islamarkaane ay ku raad joogaan ayna soo qaban doonaan kadibne ay sharciga la tiigsan doonaan

Dilalka soomaalida loo geeysto aad bay usii kodheen maalimahan dambe waxaana dilalka ay aad ugu badabnyihiin tuulooyinka iyo degaanada isku raranka ah ee aan laheyn saldhig boolis dambiyadane aad ayey ugu badanyihiin

Soomaalida ayaa u bareeray in goob halis ah ay ka xamashaan waxaana ganacsiyada ugu xoogan soomaalida ay ku leeyihiin tuulooyinka iyo degaanada halista ah oo dhibaato aan dhamaad laheyn ay had iyo jeet kasoo gaarto naftooda iyo hantidooda.

Back to top button