Somali News

Muwaaddin Soomaaliyeed oo isaga oo la gowracay Meydkiisa laga helay Koofur Afrika

Wararka laga helayo dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in Soomaalida ku nool dalkaas ay saaka heleen Meydka Muwaaddin Soomaaliyeed oo si arxan darro ah loo dilay.

Cumar Salaad, oo Muwaadin Soomaaliyeed ah, ayaa isagoo la Bireeyey, Gacmaha iyo afkana Sharooto looga xirxiray, waxaa saakay laga dhex heley Dukaankiisa oo ku yaalla Tuulada Philipi oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkani Koonfur Afrika.

Gudoomiye Cabdi Calas Guure oo ka mid ah Dadkii ugu horeeyey ee gaaray goobta ay dhacdadani argaxa leh ka dhacday, ayaa ii sheegay in Bulshgada  Xaafadda ay kusoo wargeliyeen in Cumar uusan saakay furin Dukaankiisa oo uu xilli hore furi jiray albaabkana qeyb ka furan yahay, markii ay isku dayeen inay gudaha u galaana ay arkeen isagoo Meyd ah oo Sariirta dul yaalla.

“Maadaama uu Wiilku kaligiis joogay Dukaanka, lama oga ilaa iyo iminka qaabka uu falkani u dhacay, balse Booliska ayaa baaraya, anagana wixii garab ay inooga baahdaan diyaar ayaan ula nahay” ayuu intaa ku daray Cabdi Calas.

Back to top button