Somali News

Muwaaddin Soomaaliyeed oo isku dilay Koofur Afrika

Saadaq Axmed Maxamed oo ALLAHA u Naxariistee ahaa Wiil Dhallinyaro Soomaaliyeed ah, oo Meydkiisa laga helay Qol uu ka daganaa Xaafadda Bellville ee Magaalada Cape Town, ayaa la xaqiijiyay inuu isaga is dilay.

“Wuxuu u muuqday Qof Maskax ahaan isku buuqsanaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaan qolkiisa ka dhax maqalnay dhawaqa Xabadda, markii loo galayna nasiib xumo naf dhulka lama dhicin, isagaa Bistoolad uu gacanta ku haystay isaga dhuftay Feeraha, Dhabarka ayeyna ka baxday oo darbiga kusii dhacday xabadda, waana Hal Xabboo kaliya” ayuu yiri Qof kamida Dadka la daganaa Marxuumka.

Saadaq oo da’diisa la iigu sheegay 21-sano jir, ayaa kamid ahaa Dhallinyarada ka dhex shaqaysa Suuqa Bellville.

 

Back to top button