Somali News

Muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu dilay K/Afrika

Cabdi Cali Maxaa Maalin, oo 29-sano jir ahaa, ayaa lagu toogtay Dukaankiisa oo ku yaalla Tuulada Khayelitsha (Site B) oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkani Koonfur Afrika, sida uu goordhow ii xaqiijiyey Muuse Cali Mohamed Malin oo ay Walaalo yihiin Marxuumka la dilay.

Dilka, ayaa dhacay kadib markii Koox hubaysan ay gudaha u galeen ayna Ganacsade Cabdi ku fureen Rasaas xoog leh oo sababtay geeridiisa, waxayna dhaceen Dukaanka, kadibna waa ay baxsadeen kahor intaysan Boolisku imaanin goobta.

Xog aan halayna waxa ay xaqiijinaysaa in Weerarkan loo aanaynayo isku dhac iyo khilaaf xooggan oo Tuugada Xaafadda ka dhex aloosnaa mudooyinkan dambe.

Ciidanka, ayaa sheegay inay baarayaan falkan arxan darada ah, inkastoo baaritaanada Booliska ay natiijo la’aan ku dhamaadaan intooda badan, waxaase xusid mudan in haddii Ganacsatada Soomaalida ay la shaqeeyaan Askarta ay fududaan karto in gacanta lagusoo dhigo gacan ku dhiiglayaasha, sida ka dhacday Magaalada Port Elizabeth oo intooda badan lasoo qabtay dhagarqabayaashii ka dambeeyey dilalkii ugu dambeeyey ee halkaasi loogu gaystay Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

Back to top button